Sawirro-muuqaal: Wafti uu hoggaaminayo Wasiir Maxamed Dhabancad oo safar shaqo ku gaaray Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari

28 Nov 2020 (Puntlandes) Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad ayaa safar shaqo ku gaaray Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari.

Wasiirka ayaa waxaa safarka ku wehlinayey Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari, ujeedka safarka ayaa ku saabsan kormeer shaqo iyo dhismaha maamulka iyo Golaha deegaanka Degmada Isku-Shuban wacyi galinta Hannaanka Geedi Socodka Dimuquradiyada Puntland.

Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka Waxaa Degmada Isku-Shuban ku soo dhaweeyey Degmada, odayaasha dhaqanka Iyo baqolaal kamid ah shacabka Degmada Isku-Shuban.



Puntlandes.com

About The Author