Sawirro: Diyaaradda Air Jabuuti oo shil ku gashay garoonka Gen Maxamed Abshir ee Garowe

02 Dec 2020 (Puntlandes) Diyaarad ay leedahay Shirkadda Air Jabuuti, ayaa saaka shil yar ku gashay Garoonka Diyaaradaha Gen Maxamed Abshir ee magaalada Garowe, kadib markii cillad ku timid ay keentay in ay Ran-wayga ka baxdo.

Shilka ku yimid Diyaaradda, ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay dab yar, waxaana ay qiiq ka sii daysay qaybta dambe, inkastoo aysan wax khasaare ah ka soo gaarin Rakaabkii saarnaa, kuwaas oo dhammaantood ka badbaaday.

Gaariga dab-demiska Garoonka, oo wakhtigaas loo baahday ,ayaa la waayay waxaana mar dambe la arkay isagoo taayir ka maqanyahay. Qaar kamid ah Shaqaalah Garoonka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dab-demisku uu taayir la’aan ahaa mudda laba bilood ah.

Maamulka Garoonka oo codsiyo kala duwan loo jeediyay in Gaariga dab-demiska ay taayir u gadaan ayaan dheg jalaq u siin codsiga Shaqaalaha, taas oo sababtay in maanta dab-demisku shaqayn waayo.

Sidoo kale, waxa xanniban Duullimaadyada Garoonka Diyaaradaha Garoowe, maadaama ay Diyaaraddu dhex taallo dhabbaha Ran-wayga



Puntlandes.com

About The Author