Wasiirka Warfaafinta “Nairobi waxay noqotay meesha lagaga soo duulo Soomaaliya”

02 Dec 2020 (Puntlandes) Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa faah faahin ka bixiyay tallaabadii dowladda Soomaaliya ay ugu yeeratay Safiirkii u joogay Naiorbi, kuna amartay Safiirkii Kenya ee Muqdisho joogay inuu wadatashi dib ugu laabto.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in Kenya aanay ka muuqan deris wanaag, isla markaana uu ka muuqdo damac riyo maalmeed ah oo ku hunguriyeyneyso dhulka iyo badda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta ayaa yiri “Nairobi waxay noqotay meesha Soomaaliya lagaga soo duulo, lagana noqdo heshiisyada lagu gaaray Soomaaliya, lagana soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed oo ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee dalkeena”

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay dowladda Kenya inay u dhaqemeyso sidii faragelintii Nidaamkii TPLF ay ku heysay Soomaaliya.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in mar walba Soomaaliya ay muujineysay biseyl iyo siyaasad qaan-gaarnimo ah, ayna dhowrayeen derisnimada, isla markaana ixtiraamayeen, isagoo xusay in Kenya ay sanad iyo 10 bilood ka hor ay qaaday tallaabo ay ugu yeeratay Safiirkeeda, isla markaana safiirkii Soomaaliya ay dib ugu soo celisay Soomaaliya.

Wasiir Dubbe ayaa yiri “In 10 Musharax intay Nairobi ka soo baxaan Xamar yimaadaan, ma doorashaa ma ololaa, waa qalqal gelin amniga, shacabka iyo midnimada iyo dalka, ka waran anaga haddii 10 musharax haddii aan xamar ka dirno oo diyaarad ka saarno oo Nairobi u dirno oo Kenyaati ah maxaa dhici lahaa”

Hadalkan ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa wuxuu sii hurinayaa xiriirka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Kenya.

Puntlandes.com

About The Author