Xildhibaanada Baarlamaanka dawladda Puntland oo xasaanadii kala noqday 8 Xildhibaan

03 Dec 2020 (Puntlandes) Fadhi uu maanta yeeshay Baarlamaanka dawladda Puntland ayaa waxay xasaanadii kala noqdeen 8 mudane oo tirsanaa.

35 mudane oo katirsan xildhibaanada Baarlamanka Puntland ayaa waxay u si gacan tasg ah ugu codeeyeen in xasaanadda xildhinanimo laga qaado 8 mudane.

39 xildhibaan ayaa fadhiga maanta soo xaadiray 3 Xildhibaan waydiideen in xasaanadda laga qaado xildhibaanada halka 1-mudane uu ka aamusay.

Xildhibaannada xilka laga qaaday ayaa kala ah:

– Xildhibaan Cabdijamal Cismaan
– Xildhibaan Cabdiqani surato
– Xildhibaan Muuse Jajabsay
– Xildhibaan Cabdicasiis Baduugaaye
– Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre
– Xildhibaan Saleeban Faarax.
– Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore
-Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim.

Puntlandes.com

About The Author