Daawo Video: Guddoomiye Mursal oo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu sii shaqeynayo inta laga helayo Baarlamaan bedela midka uu hada hogaamiyo

12 Dec 2020 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa mar kale sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu sii shaqeynayo inta laga helayo Baarlamaan bedela midka uu hada hogaamiyo isla markaana la dhaarinayo Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiye Mursal ayaa hadalkaan maanta ka sheegay kulan Golaha Shacabku ku lahaa xaruntiisa loogana doonayey miisaaniyadda 2021. Arintaan ayaa u gogol xaaraysa in madaxweynuhuna isna iska joogo waligiis inta laga soo dooranayo madaxweyne  bedela, taas oo ah mid sharciga baalmarsan aysana aqbalayn shacabka Soomaaliyeed.

Muddo 15 cisho ayaa ka dhiman muddo xileedka labada Aqal eeBaarlamaanka JF Soomaaliya, kaasoo ku eg 27 bishan December, halka ay madaxweynaha u harsan tahay 57 cisho iyadoo ku eg 8da Febraayo 2021ka.

Puntlandes.com

About The Author