Sawirro-muuqaal: Madaxweyne Muuse Biixi oo Safar Shaqo ugu Ambo baxay Dalka Kenya

13 Dec 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka Kenya, kaddib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen madaxweynaha dalkaas Mr. Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa ka hor intii aanay dalka ka dhoofin waxa ujeeddada safarka warbaahinta u faahfaahiyey afhayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri, “Safarkani waxa uu daarran yahay sidii loo xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa xidhiidhka Diblomaasiyasadeed iyo midka wada-shaqayneed ee inaga dhexeeya waddanka Kenya, muddada ay weftigu dalkaas ku sugan yihiinna waxa ay kulamo la qaadan doonaan dhiggiisa waddanka Kenya.”




Puntlandes.com

About The Author