Sawirro: Guddoomiyaha Guddiga dib u habaynta Ciidamada ahna Wasiirka Maaliyadda oo booqday Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Godod

16 Dec 2020 (Puntlandes)  Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Godod oo katirsan gobolka Mudug waxaa booqaday Guddoomiyaha Guddiga dib u habaynta Ciidamada ahna Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo xubno ka tirsan Guddiga.

Booqashada Dugsiga ee Wasiirka waxaa ku weheliyay Taliye kuxigeenka Daraawiishta Abaanduulaha Ciidamada Daraawiishta iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland.
Wasiirka, Taliye kuxigeenka iyo Abaanduulaha Ciidamada Daraawiishta ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta ee Tababarka ugu jira Dugsiga GODOD.

Taliye kuxigeenka Daraawiishta iyo Abaanduulaha Ciidamada ayaa saraakiisha Dugsiga iyo Ciidamada uga warbixiyay booqashada Wasiirka Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Guddiga taasi oo ah uguur gelid dhanka Dugsiyada ah.

Mudane Xasan Shire Cabdi , Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa la hadlay Ciidamada , waxana uu u balan qaaday in ay heli doonaan xuquuq dooda iyo mushaharkooda balse loo baahanyahay Ciidamo amar qaata oo u shaqaynaaya dalkooda.

Guddiga dib u habaynta Ciidamada ayaa la filaayaa in ay booqan doonnaan Dugsiyada kale ee ka furan gobolada kale ee Puntland.

 



Puntlandes.com

About The Author