Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay sababta uu uga baaqday shirka Garowe

01 Jan 2021 (Puntlandes) Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay sababta uu uga baaqday shirka ka socda magaalada Garowe oo inta badan siyaasiyiinta dalka ay ku sugan yihiin.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka qeyb gelaayey dood cilmiyeed ay soo agaasintay hey’adda Xaqdhowr oo looga hadlayey ayaa waxa uu ka sheegay in magaalada Garowe ay jiraan dad ku filan oo aysan ahayn in hal meel la wada tago. laga weydiiyey sababta uu uga baaqday shirka ka socda Garowe.

“Magaalada Garowe in ku filanaa jirta, muhiim ma ahan in dadku hal meel ay wada aadaan, siyaasiyiin isugu jira mucaaradka, kuwa dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada-ba Garowe intii ku filan waa jirtaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Balse, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur oo inta badan ereyo kulkulul looga bartay ayaa waxa uu hadalkiisa ku sii daray inuu u joogo Muqdisho sidii uu ilaalin lahaa qaladaadka dowlada ay sameyneyso.

“Annagu waxaan rabnaa inaan idinka idinla joogno, oo idinla hadalno, oo dowladda aan waardiyeyno, hadii ay xadgudub sameyso aan u sheegno, marka meeshaan inaan joognaan rabnaa oo dowladda isha ku heyno, oo aan laga wada tegin goobta,” ayuu yiri markii la weydiiyay sababta ka dambeysa baaqashadiisa magaalada Garowe.

Shirka Madasha Aragti-wadaaga oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Heritage ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, madaxweynayaasha dawlad goboleedyada Puntland  oo marti loo yahay, Jubaland iyo Galmudug, iyadoo shirka ay dhinac socdaan kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan siyaasiyiinta.

About The Author