Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga miisaaniyadda dowladda oo aan haysan ansixinta Aqalka Sare

01 Jan 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee 2021 oo ay hore u soo ansixiyey Golaha Xukuumadda Federaalka, ayna meelmariyeen kaliya  Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ayey sharciyan ahayd in ay meelmariyaan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, laakiin sidii caadada u ahayd Farmaajo wuxuu ku tuntay sharcigii uu u dhaartay inuu ilaaliyo.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa Miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey, iyaga oo ku ansixiyey cod aqlabiyad leh”

Warsaxaafadeedka laguma soo hadalqaadin Aqalka Sare waxayna u muuqataa in Farmaajo uusan u jirin aqalkaasi oo ah hay´ad dastuuri ah matashana dawlad Goboleedyada dalka.

Puntlandes.com

About The Author