Sawirro: Gudiga dib u habeynta Ciidamada dawladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey dugsiga tababarka Xorgoble

16 Jan 2021 (Puntlandes) Gudiga dib u habeynta Ciidamada dawladda Puntland oo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaradda Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga ayaa manta gormeer shaqo ku tagey dugsiga tababarka Xorgoble.

Booqashada ka dib masuuliyiinta ayaa u guur galay hannaanka tababar ee ciidamadu ay qaateen iyo qaabka loo carbiyay mudadii uu tababarku uga socday dugsiga.

Ciidamada ayaa soo bandhigay waxyaabihii ay tababarka ku qaateen, iyadoo ay gudigu ku amaaneen Saraakiisha iyo macalimiinnta.
Maalinta berri ah ayaa la filyaa in la qaban doono munaasabada soo afmeerida Tababarka Ciidamada booliska dawladda Puntland


Puntlandes.com

About The Author