Sawirro-muuqaal: Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Madaxweynaha u Gudbiyey Warqadda Cayimaada Qabsoomida Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada Iyo Deegaanka

16 Jan 2021 (Puntlandes) Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u gudbiyey warqad sumaddeedu tahay Tix: KDQ/XK/002/2021, taas oo ujeeddadeedu tahay cayimaadda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee 2021.

Guddiga oo si rasmi ah u soo gebogebeeyey wejigii labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, ayaa sida sharcigu qorayo madaxweynaha u gudbiyey warqad ay ku cayimeen maalinta, bisha iyo sannadka ay doorashooyinka wakiillada iyo deegaanku qabsoomi doonaan, taas oo u qorshaysan 31/05/2021, si uu madaxweynuhuna ugu soo saaro wareegto rasmi ah.

Madaxweyne Biixi ayaa xubnaha komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay dedaalka ay geliyeen dhammaystirka wejiga labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyaasha, waxana uu caddeeyey inuu ka madaxweyne ahaan diyaar u yahay oo ay ka go’an tahay sidii uu taageero buuxda u siin lahaa inay doorashadu ku qabsoonto wakhtiga ay komishanku u cayimeen, islamarkaana uu hawshaa doorashada muhiimad gaar ah siinayo.

 



Puntlandes.com

About The Author