Daawo Video: Guddigii Madaxweynaha Dowladda Puntland u saaray Arrimaha Sicirka Sarifka oo qodobo soo saaray

16 Jan 2021 (Puntlandes) Guddiga Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, u saaray Arrimaha Sicirka Sarifka ayaa waxay maanta soo saareen 8 qodob oo ay u arkaan in lagu xalin karo dhibka ka dhashay Sicirka Sarifka doollarka.

Waxayna kala yihiin qodobadu sidaan hoose:
1: In cashuurta Dekadda lagu qabto 20% Shillin Soomaali.
2: In mushaharka shaqaalaha lagu siiyo 20% Shillin Soomaali.
3:In Adeegyada Lacagta mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) sidoodii lagu celiyo.
4: Sariflayaasha waa inay ruqsad haystaan.
5: In cashuuraha Dowladdaha hoose Shillin Soomaali lagu qaado.
6: In Sarifka uu jaangoynayo lana soconayo Bangiga Dowladdu.
7: In Kalsoonida isticmaalka Shillin Soomaaliga ay kawada shaqeynayaan Dowladda iyo Ganacsatada.
8: In Lacagaha ku badan Suuqa ee Shillin Soomaaliga ah lagu xereeyo Bangiga Dowladda, iyo in la mamnuucay lacag Loo kala raro Gobolada.


Puntlandes.com

About The Author