Taliyihii Ciidanka DANAB iyo saraakiil kale oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay duleedka Afgooye

17 Jan 2021 (Puntlandes) Taliyihii Ciidanka sida gaarka u tababaran ee DANAB G/lle Axmed C/llaahi Nuur Beer-yare iyo Taliyaha Guutada 7aad ee ciidanka xoogga dalka G/Dhexe Axmed Gaashaan ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo saaka lagula eegtay inta u dhaxeysa Wanlaweyn iyo Afgooye.

Qaraxan ayaa si gaar ah lala eegtay gaariga ay saarnaayeen labada Taliye, kaasoo ahaa nooca qafilan ee ay isticmaalaan Shirkadda Bancraft ee taageerada iyo tababarada siisa Ciidamada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Siidii oo qeyb ka ahaa kolonyada ayaa la sheegay inuu badqabo, iyadoo wararku ay sheegaya in qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray Saraakiil Caddaan ah.

Dhaawaca labada Taliye ayaa la geeyay Isbitaalka Ciidamada AMISOM ee Xalane, warar aan la xaqiijin ayaa sheegayaa in dhaawaca Taliyaha DANAB uu culus yahay.

Taliyaha la dhaawacay ee DANAB G/lle Beeryare ayaa maalin ka hor la kulmay Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee Ciidamada Mareykanka ee Africom Jeneraal Anderson oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lala eegtay Ciidanka DANAB saaka lagula eegtay agagaarka deegaanka Tixsiile ee u dhaxeeya Wanlaweyn iyo Afgooye.

Puntlandes.com

About The Author