Sawirro: Gudoomiyaha Barlaamanka dawladda Puntland iyo wafti uu hoggaaminaayo oo gaaray Dagmada Badhan ee Gobolka Sanaag

19 Jan 2021 (Puntlandes) Gudoomiyaha Barlaamanka dawladda Puntland iyo wafti uu hoggaaminaayo oo ay qeyb ka yihiin Gudigga Dib u habeeynta Ciidaamadda ayaa gaaray Dagmada Badhan ee Gobolka sanaag.

Soo dhowaynta waftiga waxaa ka qayb qaatay Maamulka Gobolka kan dagmada iyo qeybaha kala duwan ee shacabka Badhan.

Ujeedka socdalka waftiga ayaa waxaa uu qayb ka yahay ukuur gelida xaalada Gobolka iyo booqashada Dugsiga Tababarka Ciidamada ee degmada Badhan.
Waxaa xusid Mudan in waftiga uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ay Cisbitaalka Bilicil ee degmada Carmo ay ku booqdeen Ciidamo ka tirsan dawladda oo gaari kula gadoomay inta udhexaysa Ceeldaahir iyo Badhan kuwaas oo xaaladooda Caafimaad ay wanaag san tahay.


Puntlandes.com

About The Author