sawirro: Wasiirka Dhabanacad oo xilka u kala wareejiyey Guddoomiyaha cusub ee degmada Gaalkacyo iyo Guddoomiyihii hore

Filed under: Wararka maanta |

19 Jan 2021 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Guddoomiyaha cusub ee degmada Gaalkacyo Mudane Maxamuud Cabdinuur Aaden iyo Guddoomiyihii hore ee degmada Mudane Saahid Maxamuud Cali.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Dhabanacad ayaa Guddoomiyaha cusub ee degmada Gaalkacyo Mudane Maxamuud Cabdinuur Aaden iyo ku-xigeenkiisa Shaafici Cabdullaahi Xaashi, kula dardaarmay in waajibaadka shaqo ee loo igmaday ay u gutaan sida ugu wanaagsan.

Munaasabadda xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaaladda Gaalkacyo, waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah goleyaasha dowladda, maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Ciidamada ee Gobolka Mudug.


Puntlandes.com