Guddoomiyihii degmada Hodan oo lagu dilay Muqdisho

21 Jan 2021 (Puntlandes) Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun) ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, kaddib rasaas Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay ku fureen gaarigiisa.

Dilkan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, xilli uu Guddoomiyaha uu marayay agagaarka Jid Mareexaanka ee degmada Howlwadaag.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka Guddoomiyaha oo shalay ku soo laabtay Muqdisho, kaddib howlo caafimaad ugu maqnaa dalka Turkiga, kaddib dhaawac sanadkii hore ka soo gaaray qarax lagula eegtay Muqdisho.

Puntlandes.com

About The Author