Madaxweyne Joe Biden oo bilaabay wax ka bedelka xeerarkii Trump

21 Jan 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha dalka Mareykanka ee shalay xafiiska la wareegay Joe Biden ayaa xayiraadii ka qaaday dalal Muslimiin ah oo ay Soomaaliya ku jirto kuwaa oo uu horay xayiraad u saaray madaxweynihii kursiga baneeyey ee Donald Trump.


Biden ayaa sidoo kale qaaday xaaladdii deg degga ahayd ee saarneed xuduudda u dhaxeeya wadamada Marayakanaka iyo Mexico, wuxuuna joojiyay dhaqaalihii lagu dhisi lahaa darbiga xuduudaha dalalkaas.

In Maraykanku dib ugu laabto heshiisyadii cimilada ee Paris ayaa ka mid ah 17 degreeto oo uu saxiixay saacadihii ugu horeeyey ee uu ku qaatay xafiiska.

Puntlandes.com

About The Author