Sawirro-muuqaal: Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tegey Dekedda Boosaaso iyo Xarunta Wasaaradu ku dhex leedahay Dekedda.

23 Jan 2021 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kormeer shaqo ku tegey Dekedda Boosaaso iyo Xarunta Wasaaradu ku dhex leedahay Dekedda.

Wasiirka waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Maamulaha Furdada Maxamed Yuusuf iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Wasiiirka ayaa soo dhexmaray qaybaha kala duwan ee ay dekeddu ka koobantahay, xili ay socotay dejinta badeecooyinka ay wadaan Doonyaha iyo Maraakiibtu.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sidoo kale booqaday Xafiis- yada Wasaaradu halkaasi ku leedahay waxana uu la kulmay Masuuliyiinta iyo shaqaalaha.
Maamulaha Fududa ayaa Wasiirka xog dheeri ah ka siiyay habsami usocodka shaqada iyo qaadista cashuurta badeecooyinka.

Wasiirka ayaa madaxda iyo shaqaalaha ku dhiiri geliyay kor uqaadida dakhliga iyo ushaqaynta Bulshada adeegsata dekedda.



Puntlandes.com

About The Author