Puntland iyo Jubaland oo Shir deg deg ah ku baaqay 30 Janaayo

28 Jan 2021 (Puntlandes) Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo soo saaray warsaxaafadeed wadajir ah ayaa shir degdeg ah ugu baaqay madaxda dowlada federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

War saxaafadeedka ayey ku sheegeen iyagoo tixgelinaya waqtiga xasaasiga ah ee dalku marayo una gogol xaaraya qabsoomida shir loo dhan yahay inuu ka dhaco Muqdisho 30ka janaayo 2021, isla markaana ay diyaar u yihiin in laga wada shaqeeyo sidii ay u dhici lahayd doorasho loo wada dhan yahay oo xasiloon.

Waxay nasiib darro ku tilmaameen in madaxda dowlada federaalku ka caga-jiidayso qabsoomida shir lagu xaliyo khilaafka ka jira qabsoomida doorashada dalka.

Puntland iyo Jubaland ayaa xusay in Xubnaha Beesha Caalamka oo uu ugu horreeyo Ergeyga Qaramada Midoobey James Swan uu door muhiim ah ka qaatay sidii Madaxda Wadatashiga Qaranka ay shir isugu imaan lahaayeen, loona xallin lahaa khilaafka jira iyo in Puntland iyo Jubaland ay soo magacaabaan Guddiyada.

Puntlandes.com

About The Author