Midowga Musharaxiinta oo soo dhoweeyay magacaabista guddiga doorashooyinka Puntland iyo Jubaland

28 Jan 2021 (Puntlandes) Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa soo dhaweeyay magacaabista Guddiyada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ay xalay ku dhowaaqeen madaxweynayaasha maamuladaas.

Qoraal ka soo baxay Golaha ayaa sidoo kale lagu soo dhaweyeeyay in ay shir degdeg ah ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murashaxiinta iyo Bulshada Rayidka ah si xal wadar oggol ah loogu helo caqabadaha ku gudban hirgelinta heshiiskii 17-kii September 2020.

Puntlandes.com

About The Author