Jabuuti oo ka hadashay go’aankii guddiga xaqiiqo raadinta khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

28 Jan 2021 (Puntlandes) Dowlada Jabuuti ayaa ka hadashay go’aankii ka soo baxay guddiga xaqiiqo raadinta ee urur goboledka IGAD u magacaabay khilaafka ka dhex jira dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda Jabuuti ayaa lagu sheegay in go’aanka ka soo baxay guddiga xaqiiqo raadinta ee dowlada Jabuuti ka socday uu ahaa mid loo fuliyay si dhexdhexaadnimo ah.

“Howlaha guddiga waxaa la fuliyay kadib ruqsad laga helay dalalka Kenya iyo Soomaaliya horaantii bishan markii ay guddigu booqdeen labada dal.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka ayay dowlada Jabuuti ku sheegtay in dowlada Jabuuti ay xiriir wanaagsan la leedahay labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayna dooneyso in xal waara laga gaaro khilaafka u dhexeeya labada dal.

Qoraalka ayay dowlada Jabuuti ku sheegtay in go’aanka ka soo baxay guddiga uu horyaal madaxda wadamada ku jira urur goboleedka IGAD si ay go’aan uga gaareen xalinta khilaafka labada dal.

Si kasta ha ahaatee,dowlada Soomaaliya ayaa ka soo horjeesatay go’aanka uu soo saaray guddigan waxana ay sheegtay in go’aanka uu ahaa mid dowlada Kenya u xaglinayay.


Puntlandes.com

About The Author