Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo loo qeybiyey Hindise-sharciyeedka Diiwaan-gelinta cod-bixiyaha

30 Jan 2021 (Puntlandes) Fadhiga 24-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1-aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta Ajandaha ahaa soo gudbinta Hindise-Xereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.

Intaa ka dib waxaa loo qeybiyey Xildhibaannada Hindise-Xereedka si ay ugu sameeyaan akhrinta labaad, si waafaqsan xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL muddo saddex cishe ah ka dibna la horkeeno Golaha si looga doodi doono.


Puntlandes.com

About The Author