Senetor Mashruuc: “Garashada reer Muqdisho yaan loo gefin, BF ee 11-aad waxaa kaliya kusoo biiri kara hal xubin”

30 Jan 2021 (Puntlandes) Senetor Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc) oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JF Soomaaliya ayaa sheegay inuu dastuurka ka horimaanayo 13-Kursi ee gobolka Banaadir uu sheegay madaxweyne Farmaajo inuu ka siinayey Aqalka Sare.

Senatoka ayaa caddeeyey in ugu horayn loo baahan yahay in wax laga bedelo dastuurka dalka oo caddaynaya in Aqalka Sare ka kooban yahay 54 kursihalka uu Golaha Shacabkana uu qaorayo 275 iyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo xubin sharafeed ah, wuxuuna dastuurku ogolaanayaa  in baarlamaanka 11-aad ay kusoo biiri karto hal xubin sharafeed oo ah madaxweynaha xilka kasii dhamaanayo.

Mashruuc ayaa hadalkii madaxweyne Farmaajo ee saxiixista kuraasta ku tilmaamay gef loo geysanayo garashada reer Muqdisho, maadama aysuun dastuurku u ogaalayn in madaxweynuhu uu sameeyo waxa uu doono isagoon tixgelinayn dasruurkia dalka.

Hoos ka akhriso qoraalkii uu Senator Mashruuc soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay:

Garashada reer Mogadishu yaan loo gefin. Illaa dastuurka wax laga baddelo Baarlamaanka 11aad waxa kaliya ku soo biiri kara hal xubin sharafeed oo ah Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waana haddii 9 cisho dhiman si buuxda u dhameysto. ( NO IMPEACHMENT AND NO … ACCORD)

Puntlandes.com

About The Author