Madaxweynaha Hirshabelle oo ku booqday gurigiisa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh

20 Feb 2021 (Puntlandes)  Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa galabta hoygiisa magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Dalka Xassan Sheikh Maxamuud oo sidoo kale ka tirsan midowga musharaxiinta.

Wax faahfaahin ah lagama bixin kulanka labada mas’uul, balse warar ku dhow dhow ayaa sheegaya iney ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashada iyo xiisadaha ka taagan caasimada.

Cali Guudlaawe ayaa ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho caasimada dalka.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Muqdisho u jooga ka qeyb galka shirka uu madaxweynihii muddo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo iskugu yeeray Madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir kaasoo looga hadlayo dhameystirka heshiiskii doorashada iyo xalinta caqabadaha jira.


Puntlandes.com

About The Author