Maxay yihiin Ciidanka Gorgor? beelaha ugu badanse waa kuwee? sideesa loo diyaariyay?.

Ciidanka Gorgor ee fuliyay weeraradi ka dhanka ahaa madaxweynayaashi hore iyo shacabka muqdisho ee banaanbaxayaaasha ahaa waxay tiradoodu gaareysaa 2500 waxaana la qoray oo la ciidameeyay inta uu xilka haayay Maxamed farmaajo ( 8 feb 2017- 8 feb 2021) waxaana tababaray qalabeeyay Dowlada Turkiga oo hadafkeedu ahaa in ay Soomaliya u dhisto ciidan taya leh lkn nasiib daro ay noqdeen kuwa lagu duminaayo Somaliya oo lagu baabi’inaayo rajadi yareed ee Somaliya laheyd.

Beelaha ay kasoo jeedaan

Beelaha ay kasoo jeedaan Ciidankaan waa:

1. Mareexaan 1300
2. Dhulmahante 400
3. Biyamaal 250
4. Jareer 150
5. Raxanweyn 130
5. Hawiye 93
6. Darodka yaryar 81
7 beelaha kale 67

Sidee loo diyaariyay ciidankaan waasa maxay xeelada la adeegsaday?

September 2017 Waxaa loomagacaabay xarunta tababarada ee Turksom sargaal dhulmahante ah waxaana ku xigeen looga dhigay sargaal kasoo jeeda beesha Biyamaal, Waxaa saraakiisha Turkida laga dhaadhiciyay in Taliska NISA ay fitin kusoo sameeyaan ciidamada cusub ee la qoraayo oo ay soo hubiyaan maadaama xaalad argagixiso ay Dalka ka jirto, waxaa Abdulahi kulane oo ka shaqeeya NISA diyaariyay foomam laga buuxinayay askarta cusub ee la qoraayay oo ay ku qoranyihiin askeriga cusub magaciisa, Da’diisa,Gobalka uu kasoo jeedo iyo Qabiilkiisa.
Askarta cusub ee kasoo jeeday beelaha Mariixaan iyo dhulmahante waxaa lagu sii wargeliyay in ay sheegtaan marka foomka laga buuxinaayo beela kale sida Hawiyaha iyo Raxanweynta sidaas ayayna yeeleen.
Hadaba marka aad tagto xafiiska Ciidanka xooga Dalka oo aad fiiriso galka feelka ciidaka gorgor waxaad arkeysaa in ay yihiin beela kala duwan lkn xaqiiqadu waa in ay yihiin shaxda kor kuxusan oo aan soo sbeegnay

Gabagabo

Waxaa muuqaneysa in farmaajo dhistay ciidan qabiil ah kuna talagalay in uu xoog qabyaaladeysan Xamar & deeganada kale ee koofurta uu ku heysto wixi kasoo horjeedana uu si isir dagaal ah ula dhaqmo ee Somaaliyay hala tashto gaar ahaan reer muqdishow tashta, maanta tiradoodu waa 2000 ee iska xureeya inti iyagoo 20000 ah aad ku qasbanaan laheydeen in aad la dagaalantaan oo aad ku baaba’daan.

Col Cismaan Dahir Nuur
Sarkaal ka tirsan xarunta Tababarka Turksom.

About The Author