Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka soo horjeestay go’aanka Madaxweynaha

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka soo horjeestay go’aanka Madaxweynaha uu ku magacaabay in Caasimada Maamulka Gobolada Dhexe ay noqoto Dhuusa Mareeb, iyadoo Maamulku sheegay inuu war cad ka soo saari doonaan.

Waxgarad ka soo jeeda Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in Madaxweynaha aanu xaq u laheyn inuu ku dhawaaqo Caasimada Gobolada Dhexe, isla markaana ay tahay in Bulshada Gobolada Mudug iyo Galgaduud go’aan ka gaaraan.

“Waxaan u aragnaa arrin aan loo baahneyn in Madaxweynuhu ku dhawaaqo, dastuurkana waxaa ku qoran umad kasta iyada is ka leh inay tashato, xaqna uma lahan Madaxweynaha inuu magacaabo Caasimada Gobolada Dhexe”ayuu yiri Caabi Yuusuf Maxamuud.

Sidoo kale Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in wixii dadka Gobolada Mudug iyo Galgaduud ka halaaba uu Mas’uul ka yahay Madaxweynaha

“Wadatashi u fadhinaa war cad ayaa ka soo saari doonaa arrimaha shirka iyo waxa uu ku dambeeyo iyo arrimo kale ayaa soo sareynaa, wax alla wixii ka halaaba dadka gobolada mudug iyo galgaduud waxaa ka mas’uul ah madaxweynaha Soomaaliya”ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Mr Careys.

Inkastoo Madaxweynuhu uu shalay ka sheegay Dhuusa Mareeb in Cadaado la tago 11-ka bisha si shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe loogu soo dhiso, halka Dhuusa Mareeb ay tahay Caasimada Gobolada Dhexe ayaa ah mid caqabad hor leh ku sii keeneysa howshii maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo dib u dhac badan uu ka jiro.

Puntlandes

About The Author