Sawirro-Muuqaal: Dowladda Puntland oo kastam cusub ka hirgalisey deegaanka Daarusalaam

23 Aug 2021 (Puntlandes) Wafdi uu hogaaminayo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdi ibraahim Warsame Qawdhan ayaa maanta xarigga ka jaray kastam cusub oo laga hirgaliyey deegaanka Daarusalaam oo hoostaga degmadda Goldogob ee gobolka Mudug.

Xafladda furitaanka waxaa kasoo qayb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda waxbarashadda, Suldaan Cabdirishiid Suldaan Muuse, Ku simaha Agaasimaha Guud Ahna K/Agaasimaha Guud ee Dakhliga,Taliyaha Nabadsugidda Puntland,Isimo iyo waxgaradka deegaanka Daaru-salaam.

Kastamkaan oo isku xiri doona Dowladda Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethopia ayaa qayb ka noqon doona horumarka dhanka dhaqaale iyo is dhexgalka bulshooyinka labada dhinac.

Wasiir kuxigeenka wasaradda Maaliyadda oo madasha ka hadlay ayaa sheegay muhiimadda u leeyahay Kastamkaani, isagoona xusay inuu noqon doono mid ka qayb qaata hormarka kaabayaasha dhaqaalaha.

Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa xusay in Kastamkaan uu ka mid noqon doono ilaha Dakhli ee ugu muhiimsan Dawladda Puntland, sidoo kalena Agaasimaha ayaa u digay ganacsatada ku sifoowday barmuuddada inay ka waantoobaan isla markaasna ay maraaan kastamyada sharciga waafaqsn.



Puntlandes.com

About The Author