Akhriso Garabka Cabdi Xaashi oo ku gacansayray habraaca doorashada

24 Aug 2021 (Puntlandes) Garabka Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi ayaa sheegay in aysan raalli ka aheyn habraaca doorashada ee Golaha Wadatashiga Qaranku ay ka soo saareen doorashada Kuraasta labada Aqal ee Somaliland.

Waxayna mar kale caddeeyay in Guddiga doorashada Somaliland ee SEIT uu u kala qeybsan yahay labo guddoon, sidaas darteed iyadoo aan la xalin, lana mideyn aanay dhici karin doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Garabka Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay habraacan ku diideen saddex qodob oo ka mid ah:-

1- Gudiga Doorashada Somaliland ee SEIT wuxuu u kala qaybsan yahay laba dhinac oo leh laba gudoon, sidaas darteed iyada oo aan la xallin oo la mideyn guddoonka Guddiga ma dhici karto doorashada Aqalka Sare iyo tan Golaha Shacabka toona.

2- Doorashada Golaha shacabka ee Somaliland waxaa saldhig u ah odayada dhaqanka ee ku jira 135-ka oday, sida xulista ergada iyo astaynta qoondada kuraasta haweenka iyagoo la tashanaya cuqaasha iyo nabadoonada jifada kursiga iska iska leh.

3- Sidii aan marar badan hore u caddeynay, hirgelinta habraacyada iyo maamulka doorashada waxaa hagaya hogaanka siyaasiyiinta ka soojeeda Somaliland oo isu dhan si waafaqsan habraacii doorashadii 2016 kii. Sidaa awgeed, xafiiska Ra’iisul Wasaare xaq uma lahan in uu kuraasta Somalialnd iyo kuwa Banaadiriga u maamulo si ka duwan sida uu u maamulayo doorashada guud ee Dalka.


Puntlandes.com

About The Author