Sawirro: Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo booqday dagmadda Goldogob

24 Aug 2021 (Puntlandes) Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame” Qawdhan” ayaa gaaray dagmadda Goldogob asagoo kulan la qaatay mas’uuliyiinta degmada, amniga iyo Xafiiska Dakhliga ee Dagmadda Goldogob.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Ku-simaha Agaaaimaha Guud ee W/Maaliyadd, ahna Agaasime Kuxigeenka Guud ee Dakhliga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo taliska ciidanka Police-ka ee dagmadda.

Mudadii uu kulanka socday , waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta, uruurinta dakhliga iyo ka hortagga badeecadaha kusoo gala sifo sharci daradda ah, xoojinta wada shaqeenta dagmadda goldogob.

Kulanka kaddib, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland iyo madaxda kale ayaa booqday Kastamka degmada Goldogob ee xafiiska Guud ee dagmadda iyo wadooyinka soo gala dagmadda ee dhaca xuduudka Ethopia iyo Puntland.

Gabagabadii,booqashadda ayaa kusoo idlaatay guul iyadoo la fahmayo dhamaan xaaladda Dagmadda Goldogob isla markaasna laga soo saaray awaamiir kor loogu qaadayo dardar galinta dakhliga ee Dagmadda Goldogob iyo Guud ahaan Gobolka Mudug.


Puntlandes.com

About The Author