Sawirro: Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland ayaa maanta xafiis ka furtay Gaalkacyo

28 Aug 2021 (Puntlandes) Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa maanta xafiis ka furtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyadoo munaasabad ballaaran loo sameeyey.

Guddoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre ayaa xariga ka jaray xafiiska cusub ee TPEC ku yeelanayso gobalka Mudug, waxaana kala qayb galay, Afhayeenka Guddiga Cabdinuur Sheekh  Maxamed Isxaaq, Gudoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo Shaafici Cabdullaahi Warsame iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.



Puntlandes.com

About The Author