Axmed Karaash oo magacaabay gudoomiyaha gobolka Cayn

29 Aug 2021 (Puntlandes) Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka dowladda puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo magacaabay gudoomiyaha gobolka Cayn.

Xeer ku-sime Madaxweyne Lr.68, Agoosto, 29, 2021 kuna saabsan magacaabid Gudoomiyaha Gobolka Cayn.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo Xildhibaanada Gobolka Cayn.
Markuu arkay: Baahida shaqo ee jirta.
Markuu tixgeliyay: Aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo
Wuxuu u magacaabay:-
Cabdifataax Ciise Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Cayn.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay.

About The Author