Sawirro-Muuqaal: Dawladda Puntland oo ku wareejisay Galmudug 8 gaaari oo tekniko iyo kuwo kale oo ciidan ah

29 Aug 2021 (Puntlandes) Gaadiid dagaal, hub, agab caafimaad iyo kaalmo kale oo ay Puntland qeyb uga qaadanayso dagaalka muddada socda ee Galmudug ay kula jirto Alshabaab ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay Wasiirka amniga iyo saraakiisha Galmudug, ka dib munaasabad ka dhacday madaxtooyada Gaalkacyo.

Gaadiidka ay Dawladda Puntland ku wareejiyay Galmudug ayaa ah 10-gaaari oo kala ah 8 tekniko ah, baabuur Ambulance ah Iyo Booyad.

Inta ay munaasabadda socotay waxaa mas’uuliyiinta Puntland ay xaqiijiyeen in taageero naf iyo maalba leh ay ku bixinayaan dagaalka ay Galmudug kula jirto Alshabaab. Taageeradan waxay fulin u beddelaysa heshiiska Iskaashiga ee labada maamul.



Puntlandes.com

About The Author