Sawirro: Shir looga hadlay Iskaashiga Dowladaha Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo ka dhacay

29 Aug 2021 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo Shir gudoomiyey Shirka Amniga Gobolka Mudug ayaa looga hadlay Iskaashiga Dowladaha Puntland iyo Galmudug.

Gudoomiyaha ayaa Gaadiid isugu jira 8 gaari oo Kuwa Dagaalka ah, Gaari Caafimaadka iyo Booyad ku wareejiyey Dowladda Galmudug si ay qayb uga noqdaan Dagaalka lagula jiro kooxda Argagixisada Al-Shabaab ee Deegaanada Koonfurta Mudug looga Xoraynayo, halkan daawwo sawirrda iyo muuqaalka

Shirkan ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Amniga Galmudug, Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug, Taliyihii hore ee Qaybta Gobolka Banaadir, Taliyayaasha Qaybaha Booliska ee Gobolka Mudug Puntland iyo Galmudug, Taliyaha Howlgalinta Ciidan PMPF, Gudoomiyayaasha Degmada Galkacyo Puntland iyo Galmdug iyo Saraakiil iyo Masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri “ Maanta waa maalin taariikhiya waxaan halkan ku wareejin 10 gaari oo isugu jirta 8 gaari oo nooca dagaalka ah qoryahooduna saaranyihiin, booyad iyo Gaariga gurmadka Caafimaadka oo aan ugu talagalnay in qayb ka noqdaan Dagaalka lagula jiro Argagixisada Alshabaab ee Deegaanada koonfurta Mudug looga xoraynayo insha allaah waana ka guulaysan doonaa gurmadka Puntland intaa kuma eka wuuna socon donaa “


Puntlandes.com

About The Author