Ururrada siyaasadda ee Puntland ha joojiyaan geed-ku-xoqoshada doorashooyinka WQ Siyaasi Juxaa

Ururrada siyaasadda ee Puntland ha joojiyaan geed-ku-xoqoshada doorashooyinka:


Puntland maanta uma furra wax aan ahayn in ay gasho doorashooyinka hordhaca ah ee saddexda Degmo, una diyaar garowdo in doorashooyinka Golayaasha Deegaanku Puntland ka dhacaan.

Suurtogal maaha in dib-u-gurasho joogto ah lagu sameeyo geediga Dimoqraadiyeynta Puntland ee 23-ka sano Himalada shacabka ahaa. Haddii isku daygii 3-aad ee Puntland maanta fashilo waa in si abadi ah loo aqbalaa nidaamka qabaliga ah oo isaguna fashilka dultaagan. Cid dame oo kalsooni ku qabi kartaa hannaanka Dimoqraadiyeynta Puntland (shacab iyo beel caalam( midna ma jiro.

Dawladda Puntland ayaa looga fadhiyaa inay fuliso, kana dhabayso ballan-qaadkii hannaankan oo maanta suurtogal ah. Waa maanta ama marna. (Now or Never).

WQ Siyaasi Cabdi faarax Juxaa
Puntlandes.com

About The Author