Sawirro: Howlwadeennada PDRC oo booqday Xarunta Kor-joogteynta doorashooyinka oo lagu daahfuray Qardho

24 Okt 2021 (Puntlandes) Howlwadeennada PDRC ayaa booqday xarunta kor-joogteynta doorashooyinka, sadexda dedmo oo ay sida horshaca ah uga dhacayso doorashadu beri oo ku beegan 25ka okt 2021ka, oo maanta lagu daahfuray Qardho.

Ahmiyadda ay xaruntu u leedahay doorashada berri ayaa ah inay wax ka qaban doonto dhammaan cabashooyinka la xiriira doorashada, gaar ahaan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka.

Halkaan waa halka ay ku soo dhici doonaan dhammaan macluumaadka la xiriira doorashada, iyadoo ay goobjoog ka yihiin dhammaan goobjoogayaasha caalamiga ah. Qeybtan waxaa maamulaya bulshada rayidka ah si loo dhiso kalsoonida dadweynaha codkooda dhiibanaya berrito.


Puntlandes.com

About The Author