Rooble oo faray Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka

24 Nov 2021 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaaliya waxa uu bogaadinaayaa Guddiyada Doorashooyinka heer Federal , Guddiyada Doorashooyinka Somaliland, Galmudug iyo Koofur Galbeed oo si rasmi ah u bilaabay doorashooyinka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.


Ra’iisul Wasaaraha waxa uu farayaa Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka si doorashada loogu soo gabagabeeyo waqtiga loo cayimay ka hor dhammaadka 2021 ka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha waxa uu farayaa guddiyada doorashooyinka in ay ilaaliyaan madaxbanaanidooda una hoggaansamaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17 September iyo kowdii Oktobar 2020, 27-kii May iyo 24 August 2021.

Hufnaanta Doorashada waxay muhiim u tahay in doorashada u dhacdo si nabadgelyo ah iyo in xilliga kala guurka ahi uu noqdo mid looga gudbo si xasiIlooni ah. Shacabka Soomaaliyeed waxa ay isha ku hayaan hufnaanta doorashada oo saldhig u ah xasilloonida dalka, sidaas darteed Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku adkeynayaa guddiyada doorashooyinka in ay arrintan iska saaraan mas’uuliyad iyo taxadar dheeri ah.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ka codasanayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka ah in ay guddiyada doorashooyinka u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda kuna dhiirigeliyaan guddiyada in ay si madaxbannaan oo hufan u fuliyaan howlaha doorashada.
Puntlandes.com

About The Author