Wararkii u dambeeyay ee qaraxii Muqdisho

25 Nov 2021 (Puntlandes) Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qarax saaka ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Fitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen siddeed ruux halka 17 kalana ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in qaraxa lala damacsanaa gaadiid ka mid ah kuwa ilaaliya UN-ka oo goobta marayey.

Qaraxan ayaa waxaa uu ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay iyadoo qaraxuna uu ka dhacay agagaarka Dugsiga Sare ee Banaadir oo ku dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim ee dehmada Hodan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in waxyeelo ka soo gaartay qaar kamid ah ardayda iyo macalimiinta dugsiga Mucaasir oo ku yaal meel aan ka fogeyn halka uu qaraxu ka dhacay.

About The Author