Daawo Muuqaal: Taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Bari “lama aqbali karo amni daro Bosaso ay ka sameeyaan ciidanka PSF”

27 Nov 2021 (Puntlandes) Taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Bari G/sare Cabduqaadir Jaamac Dirir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Bosaso ayaa sheegay in aan la aqbali karin in amni daro magaalada Bosaso ay ka sameeyaan ciidanka PSF

Taliyaha Qeybta gobolka bari ayaa yiri ”lama aqbali karo amni daro magaalada Boosaaso ay ka sameeyaan ciidanka PSF qaarkood oo dano gaar ah leh waxaan ka digaynaa barakicinta lagu hayo shacabka Bosaso gaar ahaan kuwa degan Aggagaar Xarunta PSF oo qaarkood durba laga soo barakiciyey deegaankooda Amniga cid kasta ayuu xilkasaaran yahay”


Puntlandes.com

About The Author