Sawirro: Wafti ka socda Dowladda Puntland oo gaaray Garacad & Markabkii ugu horeeyey oo beri kusoo xiranaya Dekedda

27 Nov 2021 (Puntlandes) Magaalada Garacad waxaa gaaray Wafti ka socda Dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Dekedaha Gadiidka Bada iyo la dagaalanka Burcad badeeda Dowladda Puntland.

Waftigan waxaa ka mid ah Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda, Wasiir-dowlaha shaqada iyo shaqaalaha, Wasiir-dowlaha Xannaanada Xoolaha, Masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada iyo Madaxda Banggiga Dowladda Puntland.

Magaalada Garacad waxaa Waftigan ku soo dhoweeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug iyo qaybo ka mid ah bulshada deegaanka.

Booqashada Waftigan ee Garacad ayaa salka ku haysa, ka qayb galka munaasab kooban oo loo samayn doono Markabkii ugu horeeyay ee shixnad wada oo ku soo xiran doona Dekadda Garacad oo guul laga gaaray dhismeheedii.


Puntlandes.com

About The Author