Sawirro: Markabkii u horeeyey oo ku soo xirtay Dekedda Garacad

28 Nov 2021 (Puntlandes) Maanta oo ay taariikhdu tahay 28ka nov. 2021ka ayaa waxaa Dekedda Garacad ku soo xirtay Markabkii ugu horeeyey ee ku soo xirta dekadaas oo wajigii koowaad uu soo gabagaboobay laakiin uu wali socdo dhismaheedu.

Markabka ayaa wuxuu sidaa shixnado kale duwan oo u badan qalab loogu talagalay dhameystirka dekedda iyo qalabkii lagu dhisi lahaa waddada 3G ee Garacad, Gaalkacyo iyo Galdogob.

Munasaabad kooban oo lagu qabtay Dekada Garacad ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka Dakadaha gadiidka bada Puntland oo ka kooban 6 wasarood , xildhibaano, masuuliyiin ka tirsan Bangiga Dawladda Puntland Sarakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qaybgalay.

Puntlandes.com

About The Author