Ballan qaadka Gaas maxaa ka run ah??? W/Q Saliid

Waxaa la yiri ninbaa waa  ku balan qaaday in uusan Sagaarada dilin. Markaas buu wuxuu arkaa iyadoo markay aragto orod is halgaada. Ninkii baa inta layaabay buu yiri Abooyaalow sow Sagaaro ima barato?

Markaan usoo noqdo dulucda qoraalka waxaynu in badan aragnaa, tan iyo intii uu madaxawaynaha hadda talada Puntland haya uu  bilaabay ololihiisii doorashada illaa iyo intii la doortayba in  dhagaha reer Puntland ay ka badatay erayga ah “waxaan balan qaadayaa in aan waxaas ka qabto ” wax kastoo markaas ama su,aal laga waydiiyo ama uu u ogyahay in uu gaabis ka jiro oo dadku is waydiinayaan.

Waxaan wada ognahay in illaa iyo intii uu wax balan qaadayey in hal xabo uusan ka fulin, bal daa in wax la fuliyee waa ka sii dartaa wixii uu balan qaaday in uu wax ka qabanayo.

Shalay bay ahay markii mid ka mid ah wariyeyaashiigoob  jooga ka ahaa Shirkiisii Jaraa’id ee uu qabtay Gaas kadib markuu ka soo guryo noqday safar qaatay in ka badan 10 cisho, uu waydiiyey sadex su,aalood oo kala ahaa, sida tan.

  1. Qaraxii ka dhacay Garoowe ee lagu laayey shaqaalaha UN ka
  2. Dhacdadii foosha xumayd ee ciidamada Madaxtooyadu ay Maxkadda darajada koowaad ee Gobolka Nugaal xooga ugala baxeen Dambiile la xukumay.
  3. Daabacaada lacagta Faalsada ah ee laga bilaabay magaalada Bosaso

Marka lagasoo tago su,aasha sedexaad oo iyada aan documents caddaynaya markaas la soo hor dhigin, uuna si lala yaabay oo loo jeedo in uusan run ka hadlaym ku inkiray. Wuxuu Qoraalkani ku saabsanyahay balanqaadkii shalay ee labada suaalood ee kale.

Labadaas su,aalood  wuxuu  uga jawaabay oo uu ku balanqaaday in uu si deg deg ah wax uga qabanayo oo ciddii ka mas,uulka ahayd maxkamad lasoo taagayo.

Marka la fiiriyo su,aasha labaad, waxaad iswaydiinaysaa su,aalaha ah.

Sidee loo wajahaa wax ka qabashadeeda, marka ay dhacdo, dhacdo foolxun oo asalka abaabulkeedu uu ka yimaado ciddii loogu tala galay in ay ilaaliyaan sida, ciidamada, maxkamaddaha, shaqaalaha dawladda?

Sideese loo aamini karaa hay adaas, waa inta wali shaqada ku jirta ee aan ahayn kuwa dembiga galay?

Hadii labo loo kala qaado dambi la fili karo in uu dhaco iyo mid aan marna ku soo dhici karin quluubta dadka.

Midda la fili karo sida eex, musuq maasuq, wax is daba marin, si dahsoon u duudsiyid xuquuq uu qof lahaa. Dadku waxay aalaa ka samaystaan shuruuc tilmaanta habka loola dhaqmayo. Waxaana fuliya wax ka qabashadooda booliska local: ka ah, hay adda la dagaalanka musuqmaasuqa, boss:ka xukuma shaqaalaha sameeyey fal demibiyeedka iyo ugu danbayn maxkamad waa hadii dhibanihii dibku ku dhacay uu dacwad furto iyo waliba hadii hay’ad u xilsaaran ilaanin sharci ay arrinta maxkamadda gayso.

Dadku waxay ku aamini karaan hay’adaas hadba sida loo maamulo arintaas, in ay marto waddo sax ah iyo in ayasan marin.

Middan aan marna qof maskaxdiisa ku soo dhici  karayn sida dhacdadii burcadnimada ahayd ee ay sameeyeen ciidankii ilaalada madaxtooyada oo maalin cad inta qoryo soo gurteen maxakamad dacwad ka socoto xoog ugala baxay danbiile (dambiile waxaa loo aqoonsanayaa marka qof Maxkamadi xukunto)

Aragti ahaan haday  Cabdiwali Gaas dhab ka ahaan lahayd, balanqaadka uu la soo booday markuu wariyuhu waydiiyey wuxuu samayn lahaa sida tan.

Wuxuu isagoo wali ku maqan safarkiisa, soo go’aamin lahaa in askartii iyagoo adeegsanaya magaciisa iyo awooda dawlada burcadnimada fulisey in la qabto oo la marsiiyo sifooyinka  sharciga ah ee u yaala ciidanka (in la soo taago maxkamadda ciidanka)

Taasi maysan dhicin ee markuu wariyuhu waydiiyey su,aasha buu la soo boodey balanqaadkii beenta ahaa ee sida aynu u aragnay Cabdiwali Gaas uu dabada hayey. Balanqaadkaas oo ujeedka kaliya ee laga leehay ay tahay in la isaga  aamusiyo cidda su,aasha waydiisey.

Waxaa laga yaabaa in ay dad badani u baahdaan tusaalooyin ku saabsan balanqaadyadaas uu ku balan furay.

Waxaa kamid ahayd “Laascaanood faataxo laguma qabsan Faataxana lagusoo celinmaayo” oo ay ka dambeysey “waa argagaxnay”

U qabashadii muddada 30ka cisho ahayd ee uu u qabtay dawldda Xamar 11 sep 2014 oo ay ka dambeysey, dawladda federaalka ah baa dib u dhigtay wada hadalkii iyaga iyo Puntland???

Soo qabashadii dadkii ka dambeeyey tilkii shaqaalaha UN ka ee ka dhacay Garoonka Gaalkacyo oo ay ka dambeysey in arrintaas baraf lagu rogey mar hore.

Balanqaadkiisii, wax ka qabashada dhaqaalaha Puntland oo ay bedeshey bur bur dhaqaale kii ugu xumaa aan mushaar labixin mudo aad u dheer, oo ay hadda  marayso in makiinado A4 paper lagu daabaco la keeno wadanka.

Balanqaadkii dib u habaynta ciidanka oo ay ka dambeysey in ciidankii ugu tayada wanaagsanaa lagu bedelo 20 wiil oo ay isku jifo hoose yihiin.

Dib u habaynta shaqaalaha? Xagee ku danbeeyeen???

Cadaaladii uu balan qaaday oo maanta maraysa in  askartiisii dadka qoryo ku boobayaan (waa kuwa uu qoraalku  khuseeyo).

Balanqaadkiisii ahaa Puntland meeshii ay istaahishay lama keenin ee anaa Horumarinaya, oo ku dambaysay Dib u celin Puntland

Balanqaadkiisii ahaa madaxda Puntland aniga marka laga bilaabo waa la diiwaan gelinayaa Hantidooda, si loola dagaalamo MUSUQMAASUQA, waxaa iminka Puntland ka jira Kii ugu xumaa MUSUQMAASUQ

Dadka inta dhagaysta balanqaadyadaas beenta ku salaysan hadana aan quusanayn soo ma ah SOOW SAGAARO IMA BARATID???.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

 

 

About The Author