Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Deni oo qaabilay Xildhibaanada cusub ee loo doortay shalay in ay Puntland ku metelaan Golaha Shacabka JFS

Filed under: Wararka maanta |

23 Jan 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Xildhibaanada cusub ee loo doortay shalay in ay Puntland ku metelaan Golaha Shacabka JFS.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanada cusub wuxuuna u rajeeyay in alle u fududeeyo masuuliyadda loo doortay.