DFS oo ciidamo ka dajisay Beledweyne

26 Jan 2022 (Puntlandes) Diyaarad sidday ciidamo ka mid ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad ayaa maanta laga dajiyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Diyaaradda oo sidday askartay gaareysay illaa 50 askari ayaa saaka ka amba-baxday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna toos uga degtay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne, sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil amni.

Ciidamadan ayaa waxay hordhac u yihiin ku dhwaad 400 askari oo ay dowladda u qorsheysay inay geyso Beledweyn oo ay haatan ka taagan tahay xiisad xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ku biiri doonaan kuwa dowladda Soomaaliya ee horay u joogay magaaladaasi, isla-markaana ay qayb ka noqon doonaan ciidamada sugaya amniga doorashada kuraasta taalla gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in amarka ciidamada looga qaaday Muqdisho, laguna geeyey halkaasi uu bixiyey madaxweynaha uu waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmihii u dambeeyey toos faraha ugula jiray arinta Beledweyn.

Magaaladaan oo ah goobta 2aad ee doorashadu ka dhacay ee HirShabelle ayaa waxaa dhowaan lagu qabanayaa doorashada illaa 25 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in kuraastan mid ka mid ah uu doonayo Fahad Yaasiin oo aad ugu dhow Farmaajo.

Dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ayaa laga dareemaya Hiiraan, waxaana duleedka Beledweyn ku sugan ciidamo gadoodsan oo ka soo horjeedo HirShabelle, walow dhowaan Muqdisho la keenay Jeneral Xuud oo haatan wada-hadal kula jiro dowladda Soomaaliya.

Horay dowladda dhexe ayaa ciidamo uga dajisay magaalooyinka Garbahaarey iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan maamul goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

About The Author