Garowe: Xildhibaanada maanta lagu doortay Xerada 54aad

27 Jan 2022 (Puntlandes) Guddiga Maamulka Doorashada heer Puntland SEIT ayaa maanta qaybtay doorashadii 2aad ee Golaha Shacabka Dowladda Federalk Somalia ku qabtay Xerada 54aad ee lagu doorto magaalada Garowe, taas oo lagu doortay 4 Xildhibaan.

4ta Xildhibaan ee la doortay ayaa ah kuwo awal la saadaalinayey waxayna kala yihiin:

1-Maxamed Cabdiraxman Axmed Xayle wuxuu ku guulaystay 96 Cod iyo Maxamed faarax Cali oo helay 3 Cod, 1 Codna waa xumaaday, HOP128.

2-Wasiiru dowle katirsan Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani wuxuu ku guulaystay 93 Cod, halka Siciid Maxamed Warsame uu helay 3 Cod, 2 Codna way xumaatay, HOP223.

3- Wasiir Dowle katirsan Puntland Fardowsa Cismaan Cigaa waxay ku guulaystay 97 Cod, halka Siciido Faarax Warsame ay heshay 3 Cod, HOP232.

4- Wasiirka Qorsheynta Puntland C/qafaar Cilmi Xaange wuxuu ku guulaystay 83 Cod halka Caasho Axmed Maxamed ay heshay 13 Cod, 4 Codna way xumaadeen, HOP144.


Kuraasta maanta Puntland lagu doortay 4 ah iyadoo horay loo doortay 5 kursi isugayn waa 9 kusi waxaana Garowe haray 12 kursi, guud ahaan waxaa Garowe taal 21 kursi doorashadood.

About The Author