Sawirro-Muuqaal: Golaha Wasiirrada DFS oo goaan ka soo saaray ciidanka la geeyay Beledweyne

27 Jan 2022 (Puntlandes) Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay magaalada Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda laguna koobo shaqadooda ah sugidda Amniga Dalka.

Ra’iisul Wasaarare Rooble ayaa magacaabay Guddi Wasiirro ah Hirshabelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala Shaqaynayaa dajinta Xiisadda iyo xal u helista Khilaafka taagan.Golaha ayaa sidoo kale ka dooday cabsi gelinta argagixisadu ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee Suuqa Bakaaraha, waxaana la faray Wasaaradda Amnigu in ay qaaddo tallaabooiynka ku habboon.

About The Author