Daawo sawirrada shaqada Ballaarinta Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

28 Jan 2022 (Puntlandes) Waxaa meel fiican maraya mashruuca dhismaha Garoonka Diyaaradaha Bosaso, oo shaqo aad baaxad u lehi ay kasocoto.

Garoonka Bosaso waxaan ka bilawnay Wajigii labaad ee Garoonka ayaa waxaa lagu kordhin doonaa Runway ama dhabaha Diyaaraduhu ku cararaan oo dhererkiisu yahay 800m, Taxiway cusub, iyo Aprone cusub.

Runwayga hadda ee Garoonka ayaa ah 2400m wuxuuna noqon doonaa marka ballaarintu dhamaato  3200m.

Sidoo kale waxaa dhismahooda la bilabay Hangaro wawayn oo ay diyaaradahu isticmaalaan.

About The Author