Gudiga lagu sheegay xadaynta iyo arimaha federalka

Banaadiriga (ama gibil cadka)  baa waxay ku maah maahi jireen ninkii cimrigiisu dheeraado geel dhalayana waa arkaa. TV Xamar anoo warka ka daawanayey xalay baa waxaa isso jiitay mar uu ka hadlayey wasiirka arrimaha gudaha ee Xamar. Wuxuu yiri waxaan u soo bandhignay bulshada Soomaaliyeed  jagooyin ka banaan gudiga xadaynta oo ay u furantahay qofkastaa in uu soo dalbado. Wuxuu yiri waxaan u baahnayn 20 qof, waxaana soo dalbatay 350 qof, marka hadda waxaa la marayaa kala shaandhayntii!!!!!! Shaqadaas sida furan looga soo dalbaday Xamar waa waxa loogu yeeray Gudiga xadaynta iyo arimaha federaalka, Cajiib!!.

Anoo qoslaya baan waxaan dib u milicsaday hadalkii uu Xassan Sheekh ka lahaa madaxtooyada Puntland, isagoo dhex taagan dad badan oo reer Puntland ah, waxaa markaas isaga garabkiisa taagnaa Cabdiwali Gaas.

Hadalka uu ku celcelinayey waxaa ka mid ahaa in arrinta Mudug ay utaal gudiga ”Qaran” ee xadaynta.

Waxaa iisoo baxday meesha uu Xassan Sheekh ka raadinayo gudiga ”Qaranku” in ay tahay Xaafadaha Wardhiigley iyo Tawfiiq ee Xamar. Qosolka iyo yaabku intaas kuma ekee, maadaama aysan wax shuruud ahi ku xirnayn waxaa gudigaas ka mid noqon kara, qaar badan oo ka qayb qaatay dagaalkii shacabka Soomaaliyeed qayb ka mid ah lagu dabargoynayey. Waxaynu aragnay oo aan ka dheregsanahay in qaar badan oo intoodada badani ahaayeen horjooga yaashii maleeshiyaadka hogaamiye kooxeedkii Xamar isbaaradu u tiilay ay maanta wada sheeganayaan jeneraalo jagooyin sarsarena  ka haya Dawladda Xamar.

Intaan yaabay baan is waydiiyey abooyaalow nimankaani? ma sixirkii ay maleegi jireen baa qabtay reer Puntland, waxaani wax ka badane. Gudiga ”Qaran” ee uu Xassan ka sheegayey madatooyada Puntland, Maxaa loowaayey qof inta kaca waydiiya habka ay ku imaanayaan? Iyo cidda xulaysa? Taasi waaba hadii qolyahan Xamar ay jiraan wax lagu heshiis yahaye.

Anoo taas la yaaban baan waxaan dhegeystey Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo leh mar uu maanta tegey Gaalkacyoo wax u miciina weydey oo biyo dhex ceegaagaan. ”hay’adaha ka hawl gala Gaalkacyo waxay degen yihiin xaafada Baraxley oo waxay u haystaan in Gaalkacyo ay tahay Galmudug”.

Markaas aniga waxaa ii cadaatay in ay umadani sixran tahay. Oo qofka sixirkaas naloogu soo guntey uu yahay ninka meesha loo doortay ee Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Codkii halaabay markii doorashadu dhacaysey uusan halaabine qayb ka ahaa sixirka. Hadda ogow xukuumadii isaga ka horeysey markii ay joogtey iska daa in Baraxlay laga yimaadee wasaaradeena Caafimaadka iyo wax-barashada baa mas’uul ka ahaa teer iyo Hobyo. Bal iska daa in la xisaabtamee waxay maraysaa in dad ay lahjadoodu wada tahay “Xaw ahaay” iyo “Dhaloodhin “  in la yiraahdo gudi “Qaran” kuwaas oo kala xadaynaya Xarfo iyo Buurtinle. WAA CAJAAIB KA U WAYN MAANTA EE PUNTLAND!!!!!!

Reer Puntland Waxaan ugu baaqayaa in ay alle bari guud samaystaan, si illaahay sixirka uga fujiyo.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

 

About The Author