Mudug “Mugdi iyo maskaxo isku mashquulsan”

Dadkii ku dhashay way ka qaxeen, ganacsato badanna way ka guureen magaalada, heerka kororka bulshadu ma badna, haddaad damacdo inaad u safartana dadku way kaa naxayaan, waliba ku darsoo dadkii deegaanka ayaa kaa naxaya.

Waxa aan ka sheekaynayaa waa magaalo aan jeclahay oo la yiraahdo Gaalkacyo.

MAXAA KEENAY INAY WAXANOO DHAN DHACAAN?
Wixii ka dambeeyay 2006 dii waxaa Gaalkacyo lagu dilay dad waxtar ah, culimo, ganacsato, nabadoono, siyaasiyiin, saraakiil ciidan, dhalinyaro, haween, iyo suxufiyiinba leh, mar aan damcay inaan tirio waxay ila dhaafeen 50 qof oo waxa qiimo badan.

Naftu way go’daa waana la samraa, laakiin ka waran dadkii ugu qiimaha badnaa oo inta la dilo aan la baarayn, laba cisho markii la baroortana la iska aamusayo.
Mushkilad un yaanan kaaga sheekayne magaaladu waa magaalo wax soo saar badan oo waxay leedahay garoon diyaaradeed oo aad u shaqeeya maalinkastana wuxuu soo saaraa dhaqaale badan.

Magaaladu maleh ciidamo xooggan oo ammaanka ku filan, waxaadba ka garan kartaa waxa dhacaya oo inta dadkii shacabka ahaa la dhaafay maamulkii iyo mas’uuliyiintii ayaa la qarxinayaa, la weerarayaa haddana aanay wax qabadku ku filnayn, ogoowna ma jiraan ciidamo meel dagan oo dawladda weerar ku ah.

XAALKA DHABTA MAGAALADA HADDA KA JIRTA.

Hanjabaaddu waa caadi, feejignaan waa laga quustay oo dadku wadka umbay sugaan, qaybtoodna waxay aaminsan yihiin inaysan xal nololeed hayn oo ay quus ka taagan yihiin.

Waxaa yar dadaalka ay shacab iyo dawladna hayaan oo ay doonayaan inay ku noolaadaan, laakiin waa un iska niyadsan yihiin oo rabbay tala ka sugayaan.

GABAGABO.

Gaalkacyo waa magaalo qiimo badan laakiin dadkeedii waxay u muuqdaan inay ka hurdaan, waxay u muuqdaan inay ku mashquulsan yihiin is eegad qabyaaladeed oo aan macne badan laahyn, waliba dadka laynayaa uma kala eegaan qabiil iyo qolo ee waxay u wada arkaan cadaw mudan inay dhameeyaan.

28

Mahad Jama Koronto
Abbas688@hotmail.com

About The Author