Daawo Video: Siyaasiyiin iyo waxgada u jawaabay Dagaal oogayaasha Galgaduud

Siyaasin iyo Waxgarad ku sugan Caasimada Puntland ee Garowe ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalo ka soo yeeray Dagaal oogayaashii Koonfurta oo u soo digo ragtay Gobolka Galgaduud gaar ahaan Degmada Cadaado. Dgaal oogayaashaas oo iminka may 2015 ka ku doodaya in ay Qaadanayaan Gobolka Mudug ayaa waxay kala yihiin CabdiQaydiid, Indhocadde, Goobaale, Cabdikariim …. Waxaa lagu bartay ninamkan iyagoo dhibaato ba’an ku haya dadka Soomaaliyeed ee ku nool Gobalada Shabeelaha Hoose, Bay, Bakool, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose.

Iminka dadkii lahaa ayaa maamusha Goboladaas waxayna Dagaal oogayaashani ku soo urureen Gobolka Galgaduud gaar ahaan Degmada Cadaado iyagoo caadaystay Hanjabaadyo ka dhan ah Puntland khaasatan Gobolka Mudug.

Daawo siyaasiyiintan ku jawaabaysa Dagaal Oagayaashan


Puntlandes.com

About The Author