Daawo Video: Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Mudug oo Fariin Culus diray

25

Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo e Xurunta Gobolka Mudug soo gaaray Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg oo dhawaan madaxweynaha Puntland u soo magacaabay xilkaas.

Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa sheegay in Gobolka Mudug oo ay ka jiraan arimo xasaasi ah in uu arintaas markale ka hadli doono .

Wada noolaansho iyo xasilooni ayuu ugu baaqay in lagu wada noolaado dadka dariska la’ah Puntland,waxa uu sheegay in hadii taa badalkeeda la waayo waxa ka yimaada jawaabteeda ay noqonayso in laga bixiyo.

Shacabka Gobolka Mudug ayaa looga fadhiyaa in ay  la shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub iyagoo isku duuban, Gudoomiya cusub waxaa laga sugayaa shaqo iyo in uu Gobolka wax ka badelo oo uusan meel iska fariisan sidii kuwii ka horeeyey.

Daawo Videowga wuxuuna bilaabanayaa 53 seken ka dib

Puntlandes.com

About The Author